Minnesota Emergency Readiness Education and Training (MERET)
http://meret.umn.edu/
612-626-4515

Qorshaha Diyaar garoowga Xaalada degdegga ah Shakhsiga iyo Qoyska

Sameeyso Qorshaha U diyaar garoowga Dhibaatooyinka Degdegta ah ee Naftaada iyo mida Qoyskaada

Qoraalada laga heli karo boggan waxaa sameyay mashruuca MERET (Minnesota Emergency Readiness Education & Training) isagoo la kaashaday xafiiska Academic Health Center's Office of Emergency Response iyo Department of Emergency Management ee University of Minnesota, ayna wax ku sii dareen Minnesota Department of Health.  Qoraaladan waxay qayb ka yihiin manhaj ballaaran ee loogu talo galay inuu baro dadka tababarka qaadanaya sidii ay u qaban lahaayeen mashruuc waxbarasho oo ujeedo gaar ah leh (workshops) ee xagga Diyaar garoowga bulshooyinka. Illaa imminka, 115 tababare ayaa dhamaystay tababarka.

Waxaan ka soo bixinay foomamka Diyaar garoowga manhajkan si ay shakhsiyaadka u isticmaalaan.

7 hab oo lagu Noqon karo Diyaar

La soo bax (Download) liiska 7da tallaabo

Waxaanu qeexnaa 7da tallaabo inta aad ku jirto habka inaad diyaar noqoto.

Waxaa meesha ku jira liisas badan ee tirada alaabta xaalada degdegga, laakiin waa muhiim inaad aqoonsato inuusan jirin liiska hal-cabir-oo cid walba-ku habboon (one-size-fits-all) oou shaqeeya qof walba. Qof walba waa inuu abuuraa liiskiisa iyo qorshihiisa kaasoo ugu shaqeeya isaga ama iyada xaalada gaarka.

7da tallaabo ee hoos lagu qexay qorshe xiriiro shakhsiyadeed iyo liis tirada alaabta. Garaac xiriirada (links) si aad ula soo baxdo foomamka iyo liisaska hubinta.

Liiska Tirada ee Xaalada degdegga ah ee Guriga waa liiska tirada aad ugu baahan tahay laba usbuuc oo aad guriga joogto. Labada usbuuc waa iska xeer tusaalayn (rule of thumb) - adiga ayay kugu xiran tahay inaad go'aansato intee in le'eg baad u diyaargaroobaysaa (2 maalmood? 2 bilood?).

Xirmada Alaabta tegista waxa ay ka kooban tahay tirada lalaabta aad u baahan tahay 3 maalmood oo aad guriga ka maqan tahay (mar kale, tani waa iska xeer tusaalayn). Tirada alaabtan waxaa lagu kaydiyay boorsada dhabarka la saarto ama qasac adag oo caag ah kaasoo aad si fudud u sii qaadan karto kolka aad irrida ka sii baxayso.

Xirmada alaabta Gaariga waxa ay ka kooban tahay tirada alaabta ee ay tahay inaad had iyo goor ku haysato gaarigaaga. Xasuuso inuusan bansiinka gaarigaaga uusan marna la hoos dhicin 1/2.

Tallaabada 1aad: La soo bax Qorshaha Xiriirada Xaaladaha degdegga ah

Waxaad u baahan tahay inuu meel kuu yaalo qorshaha aad kula xiriirayso qoyska, asxaabta, iyo deriska haddii ay timaado arrin xaalad degdeg ah. Waxaad u baahan tahay inaad la hadasho qof walba oo aad ku qortay qorshaaga xiriirinta si loo helo qorshe midaysan, markaas qof walba waa uu ogyahay waxa uu qabanayo nooc walba oo xaalad degdeg ah (tusaale ahaan, xaaladaha ay tahay inaad guriga joogto, xaaladaha ay tahat inaad magaalada ka tagto, iwm).

Adigu waxaad sidoo kale awooda inaad internetka ka soo sameeysato Kaarka Xiriirka Degdegta aad daabac karto, buuxi, gooso, oo ku hayso boorsadaada yar ama boorsada dhabarka ee caruurta.

Tallaabada 2aad: Kala soo bax kaydka kombiyuutarka Kaydka alaabta Maalin ka mid ah Noloshayda

TKani waa buug ficiladaada maalin walba iyo tirada liiska aad u baahan tahay marka aad samayso ficiladan. Waxaa loogu talo galay inay kaa caawiso xaqiijinta waxa aad shakhsi ahaan u baahan tahay si aad diyaar ugu noqoto haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah (daawooyin, raashinka xayawaanka la rabaysto, iwm.). Foomkan waa keliya hal maalin qiyaasteed "snapshot" -- waxaad adiga u baahan tahay inaad si dhab ah uga fakarto tirada alaabta aad isticmaasho usbuucii, maalaha nasashada, iyo xaalada sida-aad ugu baahato. Qof walba oo ka mid ah qoyskaaga waxa uu u baahanayaa inuu xaqiiyo tirada alaabtiisa ama alaabteeda.

Tallaabada 3aad: La so bax Liiska hubinta Guud ee Tirada alaabta

TKani waa liis hubineed ee guud ee tirada alaabta xaalada degdegga ee aad ka dooran karto.  Ku dar tirada alaabta aad xaqiijisay liiska hubinta ee Liiska kaydka Maalin ka mid ah Noloshayda. Liiskan hubinta waxa uu kaa caawin doonaa inaad ogaato tirada alaabta aad horay u haysatey iyo kuwa aad u baahan tahay inaad hesho.

Waad kala soo bixi kartaa kaydka kombiyuutarka Liiska hubinta Guud ee Tirada alaabta oo maran si aad ugu shaqayso.

Kala soo bax kaydka kombiyuutarka Waa maxay Alaabta? Dokumenti ah. Xaashidan lagu siiyay waxa ay sharxaysaa qaar ka mid ah walxaha aan aad loo aqoon ee Liiska hubinta Guud ee Tirada alaabta.

Tallaabada 4aad: Isku keen Tirada alaabta Xaalada degdegga ee Guriga

Aruuri alaabta aad ku muujisay Liiska hubinta Guud ee Tirada alaabta. Dadka badankooda waxay u arkaan mamnuuc inay isku keenaan dhamaan tirada alaabta hal mar-- intii ay saa yeeli lahaayeen, waxa ay liiska tirada xaalada degdegga geliyaan alaab yar waqti walba oo ay dukaanka tagaan. Waa muhiim inaad nafsadaada waqti ku filan siiso si aad u soo aruuriso tirada alaabta.

Waxaa jira habab kala duwan oo tirada alaabta loo soo aruuriyo. Dadka qaar waxay ku raseeyaan tirada alaabta qaybta hoose (basement) ee guryahooda. Habkan isaga ah waa inaad si dhab ah ula socotaa taariikhaha ay alaabta dhacayaan.

Hab kale waa FIFO: Kan soo- Hor gala- Kan soo-Hor Baxa, halkaasoo aad tirada alaabtaada xaalada degdegga ah aad dhex geliyo tirada alaabtaada aad joogtada u isticmaasho nolol maalmeedkaaga joogtada ah.  Marka aad soo iibiso waxyaalo cusub, geli halka ugu dambaysa ee tirada alaabtaada marka si aad ula soo baxdo marka hore kuwii hore kadibna isticmaal ka hor kuwa cusub.  Habkan waxuu kaa baajinayaa khatarta in aalabtu kaa dhacdo ama ay xumaadaan inta aadan isticmaalin iyaga. 

Tallaabada 5aaad: La soo bax Hubinta liiska Xirmada alaabta Tegista

Xirmada alaabta Tegista waxay ka kooban tahay tirada alaabta aad u baahan tahay 3 maalmood oo aad gurigaaga ka maqan tahay. Tirada alaabtan waa in la geliyay boorsada dhabarka ama qasac adag oo caag ah, kaasoo diyaar u ah in durbadiiba la sii qabsado marka aad guriga ka sii baxayso.

Isticmaalka Liiska hubinta tuse ahaan iyo ku darista alaabta ee aad uga soo darayso Liiska hubinta Guud ee Tirada alaabta, ku aruuri alaabtaada Xirmada alaabta Tegista.

Tallaabada 6aad: La soo bax Liiska hubinta Xirmada Gaariga

Xirmada Gaariga waa inay mar walba ku jirtaa gaarigaaga gudahiisa sida haddii ay xaalad degdeg ah jidka kugu qabsato. Waa in la geliyaa boorsada dhabarka ama qasac caag ah oo adag. 

Isticmaalka Liiska hubinta tuse ahaan iyo ku darista alaabta ee aad uga soo darayso Liiska hubinta Guud ee Tirada alaabta, ku aruuri alaabtaada Ximada alaabta ee Gaariga.

Tallaabada 7aad: La soo bax IXaashida Raadraaca Tirada Kaydka

Waa inaad u joogtaysaa Tirada alaabta kaydkaaga (iyo inta ay yihiin) tirada alaabta xaalada degdegga ah. You should maintain an inventory of items (and how many) in your emergency supplies. Samee qorshe aad ku joogtaynayso tirada alaabtaada - tusaale ahaan, hubi inay batariyadaada ay buuxaan.

Ilo Dheeraad ah

Waxaa jira ilo dheeraad ah oo kaa caawinaya inaad noqoto diyaar.